Magaalada Muqdisho waxaa 7–8-ka September ka dhacaya Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), kaas oo isu keenaya hay’adaha dowladda, warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale.
Madashan oo hal ku dhigeeda yahay “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta ee Xilligan Casriga ah”
“Shaping Somalia’s Media Future in the Digital Era.” ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo isku-duwidda isgaarsiinta, lagu horumariyo isgaarsiinta dadweynaha, laguna dhiso kalsoonida bulshada.
Madashan oo markii labaad la qabanayo ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadli doonaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacameedka (AI) ee dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta.
Madasha ayaa noqon doonta fursad ay daneeyayaasha kala duwan ku wadaagaan fikrado, waayo-aragnimo iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo la jaanqaadda isbeddellada dhijitaalka ah, isla markaana door muuqda ka qaadata horumarinta bulshada.
