Muqdisho, Khamiis, 3-da September 2026: Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo uu wehliyay Agaasimaha guud ayaa la kulmay qaar kamid ah madaxda shirkadaha,ururada iyo Quburada ka shaqeeya arrimaha Filmada dalka,iyadoo diiradda lagu saareyey kulanka sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Filmada Somaaliyeed.
Kulankan intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan sidii loo abuuri lahaa wada shaqeyn dhexmarta wasaaradda warfaafinta iyo dhamanaan shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya filmada,Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisaka Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sharxay shuruucda laxiriirta Filmada oo ay diyaarisay wasaaradda kuwaasi oo lagu hagi doonon nidaamka filmada dalka, sharciyada, siyaasadda Filmada,copy right ka iyo dhismaha guddiga kala saarista filimada(Nataional Film Commission), isagoona xusay in sharciyadaasi tashi lagala yeelanayo dhamaan cida ay quseyso si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo.
Ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii la isaga kaashan lahaa ilaalinta dhaqanka suuban, amniga, dalxiiska iyo ka hortagga waxyaabaha ka hor imaanaya anshaxa iyo asluubta,Ka qeybgalayaasha shirka ayaa soo jeediyay talooyin kala duwan oo ay qeyb ka yihiin dib u soo nooleynta maqaamkii wakaaladda Filmada,iyadoo la waafajinayo nidaamka casriga ah ee Digital ka, tababaro iyo fursado wasaaraddu ay u abuurto dadka ka shaqeeya filmada, in la qabto abaalmarino lagu dhiirogelinayo dhalinyarada jiilka soo koraya ee ka shaqeeya Filmada, iyo in la helo nidaam u fasaxaya gudashada waajibaadkooda,iyadoo aanay la kulmin wax caqabado ah.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo dhageystay soo jeedinada ka qeybgalayaasha kulanka ayaa balan qaaday in wasaaradda warfaafinta ay xoogga saari doonto sidii loo horumarin lahaa filmada Soomaaliyeed,islamarkaana dadka ka shaqeeya ay fursado u abuuri doonaan.
Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday qorshaha lagu horumarinaayo guud ahaan dhaqanka iyo fanka, oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan oo bulshada laga hagi karo,si loo ilaaliyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya, loolana jaanqaadi karo bulshooyinka kunool wadamada horumaray.
Kulankan ayaa daba socda fulinta go’aano lagu dardargelinayo howlaha muhiimka ah ee u yaala dhamaan waaxyaha iyo wakaaladaha hoostaga wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.











